Friday, April 13, 2007

GEEDI SOCODKA SIYAASADEED EE DALKA IYO KAALINTA BEESHA MUDULOOD

gobolka Banaadir waxaa ka dhacay is bedello bandan oo saameeyey taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Ururkii SYL wuxuu ka hana qaaday gobolk Banadir wuxuuna u horseeday Ummada Soomaaliyeed xornimo.

Waxaa hubaal ah in gobolku uahay mid taariikhda meeel ka galay, beelaha ku dhaqan gobolku ma noqon kuwa ka hela qeybtii ay xaqqa u lahaayeen kacdoonadaa dhacay oo waxaa ka soo gaaray shibaatooyin beden

Markii xoriyadda la qaatay waxaa hogaanka dalka qabtay Aadan Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeday beesha Mudulood. Waxaana ciidamada dalka loo dhiibay Jeneral Daa,uud oo isna ka soo jeeday beesha Mudulood. Labaduba iskuma dayin in ay u adeegaan dano beeleed waxeyse u adeegeen Ummada Soomaaliyeed.

Beesha Majeerteen oo xiligaa ka mid aheyd beelaha ugu firfircoon siyaasadda dalka ayaa ka faaiideysatay daacadnimada labada hogaamiye ee kor ku xusan waxayna u howlgashay u adeegida danaha beeshooda

Kacaankii 21kii oktoobar ayuu ahaa kacdoonkii xigay ee ka dhacay gobolka banaadir oo uu hormuud ka ahoo maxamed Siyaad barre. Waxaa hormuud ka ahaa Salaad Gabeeyre Kadiye oo ka soo jeeday beesha mudulood si kacdoonku u yeesho waji deegaaneed. Waxaan ogsoonahay halkii uu ku dambeeyey Salaad Gabeyre gaar ahaan iyo beesha mudulood guud ahaan.

Siyaad Barre wuxuu ku dhaqaaqay u adeegidda danaha beeshiisa Mariixaan wuxuuna meesha ka saaray danaha Ummda Soomaaliyeed guud ahaan iyo danta deegaanka banaadir ee uu gacdoonku ka hana qaaday.

Gobolka banadir wuxuu qeyb weyn ka qaatay kacdoonkii Usc waxaana markle madaxweyne looga dhigay Cali Mahdi Maxamed oo ka soo jeeeday beesha mudulood si kacdoonku u yeesho waji deegaan. Sida aan la socono kacdoonkaasi wuxuu ku dambeeye guul daro beesha mudulood iyo gobolka banaadir waxaa ka soo gaaray dhibaato aad u weyn oo burbur dhimasho iyo dhaawac farabadan abuurtay. Waxaan kacdoonka ka soo horjeestay jeneraal Caydiid iyo beesha Habargidir oo taageero ka helay shaqsiyaad ku abtirsada beesha mudulood oo danahooda gaarga ah fiirsanayey.

Kacdoonkii ka dhacay gobolka banaadir ee looga soo horjeestay dagaal oogayaashii Muqdisho wuxuu noqday mid saamayn weyn ku yeeshay Dalka oo dhan. Shiikh shariif sheikh Axmed oo ka soo jeeda beesha mudulood ayaa noqday wajiga muuqda ee Maxaakiimta Islaamiga. Waxaa mar markale kacdoonku noqday mid danaha beesha Habargidir lagu fuliyo laguna gumaado beesha Mudulood.

Maxkamaduhu waxay noqdeen kuwo u adeega shaqsiyaad ku abtirsada beesha mudulood oo danahooda dhaqaale ilaalsanaya iyo sh. Shariif sh. Axmed oo u muuqda mid aan la socon xaalada jitra ama aan danba ka laheyn dareenka beesha uu ku abtirsado oo u aragtay maxkamadaha kuwo u adeega danaha beelaha Ceyr, Saleebaan iyo Duduble.

Maxkamadihii way fashilmeen oo dadwaynihii soomaaliyeed badankood iyo beesha caalamka waa ka gadmi waayeen. Waxay fursad qaali ah siiyeen dowlada C/hi Yuusuf oo cid aqoonsata weysneyd marka laga reebo dowlada Itoobiya.

Dowlada ku meel gaarka ah oo kaashaneysa ciidamada Itoobiyaanka ayaa meesha ka saaray maxkamadihii u adeegayey danaha beesha Habargidir gaar ahaan Beessha Ceyr.

Markale isbadelka dhacay waxaa hormuud ka ah Prof. Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle oo Hor kacayey ciidamada dowlada ee Muqdisho soo galay si loogu qanciyo beesha mudulood in isbedelka dhacay ay wiilashoodu horeeyaan.

DKMG ah oo uu hogaaminayo Abdullahi Yuusuf iyo Ali Geedi ayaa manta ku sugan Magaalada Muqisho. Waxaa is weydiin leh ma waxay noqondoontaa dowlad lagu kala badbaado mise mid ummadu ku hungowdo beesha muduloodna ay ka soo gaarto dhibaato aan la xadadi Karin?



Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir
Axmednoole@hotmail.com

Talo Xumo Tol Ma Badiso





Qoraalkaan waa mid aan faahfaahin uga bixinayo shirkii la magic baxay shirkii belweynta hawiye ee ka dhacay xeradda jarmalka ee agaalada Muqdisho.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Oohintu Orgiga ka weyn. Kuwa ku hadaaqaya in matalaaan beesha hawiye halkey jireen 16kii sano ee beeshu is dileysay, oo kumunaan beesha ku abtirsadaahi ku hoobteen

Waxaan maqli jiray haddii aad maqasho yaa Soomaali ahey iska fiirri waxaan dan kuwata beesha Majeerteen. Hadii aad maqasho yaa hawiye aheey iska fiiri waxaa dank u wata beesha habargidir

Hawiyow haddii aad dooneysid in aad matasho beesha, ka shaqeey danaha guud ee beesha si aad u gaartiin danahiina gaar ahaaneed, maxaa yeelay dan gaar lama helo haddii tan guud dhunto. Waxaa arintaa tusaale u ah burburkii na soomaray 16kii sano ee la soo dhaafay

Sida aan ognahay beesha waxaa Dhexmaray dhibaato aan la koobi Karin, keenayna in beeshu ka gaabiso doorkii ay ka cayaari laheyd geedi socodka siyaasadeed ee dalka.

Beesha hawiye waxay xubno muhiim ah ku leedahay dowladda ku meelgaarka ah. Ragga ugu firfircoon waxaa ka mid ah Maxamed Ali geedi, Gacmadheere, Salaad Cali Jeele, ina ceydiid, iyo rag kale oo fara badan.

Sida muuqata kuwa ku qaraabanaya magaca beesha waxy sii wadaan talo xumadii hore ee aheyd Caydiid ayaa Cali ka roon. Waxaan ogsoonahay caaqiba xumadii uu fikirkaa na badday

Hadii ay Maxaakiintu qeyr Hawiye u hayaan Xasan Turki oo Ogaadeen ihi, Sii sii Maatada hawiye kuma laayeen. Mise Maatada Abgaal Hawiye ma aheyn? Xasan Turkina Daarood ma Aheyn?

Markii dhalinyaraddii Sacad lagu xasuuqayey taree Biyaano oo marna Cuteuyba lagu dalbanayey, marna Abuu mansuur lagu dalbanaeyey dhalinyaru Hawiye ma aheyn?

Markii Jubooyinka Ogadeen iyo Mariixaan heshiiska lagua galay, Shiiqaal, gaaljecel, iyo dagoodiga dega Jubooyinka Hawiye ma aheyn?

Kuma soo koobi karo qoraalkaan talada xumadda beesha Hawiye, laakiin waxaan u soo jeedinayaa waan kooban.

1- Danta hawiye waxay ku jirtaa dowladda Soomaaliyeed oo la helo, qeybta aad ku leedihiina aad ka qaadataan, Balse talo ma ahan in lagu dagaalamo marasta dhexdeeda loona ooyo Maxaakiimtii Hawiye diidka ahaa ee jihad aan jirin Boqolaal dhalinyaro ah ku laayey Buurhakaba iyo Diinsoor markii dambana cagta wax ka dayey.

1- Si beeshu uga baxdo khilaafaadka 16 jirsaday waxaa haboon in gacmaha hoos loo dhaqo lana xaliyo dhibaataddii beesha kala gaartay

2- In garab iyo gaashaan loo noqdo raga beesha ku abtirsada ee ku jira dowladda ku meelgaarka ah si ay u soo dhiciyaan xaqqa beeshu ku leedadahay Soomaali. lagana baxo fikirka ah Caydiid ayaa Cali ka roon

3- In beeshu is qadariso oon beelna beel kale ku xadgudbin lagana baxo anaa xoreysta, iyo qad cagaaran ayaa noo dhaxeeya.

4- In laga shaqeeyo sidii sharafta iyo karaamada beesha ee luntay loo soo celin lahaa laga waantoobo dano shaqsiyeedka raqiista ah

Beesha hawiye kama qarsoona in kuwa ku shairay Xerada Jarmalka ay yihiin kuw u adeega dano beeleed lagu hungoobay oo aan miro dhal laheyn.

Wixii faahfaahin ah kala soo xiriir
Axmednoole@hotmail.com